Aqalka Cad EE Mareykanka Oo Kaadhka Aqoonsiga Ee Lagu Galo Kala Laabtay Weriyaha Telefishanka CNN Jim Acosta + [ Sababta ]




USA (Ilays-News):- Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ayaa kaadhka lagu galo kala laabtay wakiilka CNN ee Aqalka Cad saacado kaddib markii ay hadallo kulul is dhaafsadeen madaxweyne Donald Trump.

Jim Acosta ayaa shir jaraa`id oo uu Trump shalay qabtay ku weydiinayay su`aal, markii shaqaale ka tirsan Aqalka Cad ay isku dayday inay makarafoonka ka qaaddo.

Xoghayaha warbaahinta Sarah Huckerbee Sanders ayaa sheegtay in weriyahan kadhka lagu galo Aqalka Cad lagala laabtay, sababtuna ay tahay inuu u gacan qaaday gabar dhalinyaro ah.

Madaxweyne Trump ayaa ka hadlayay doorashooyinka dhexe ee dalkaasi, taas oo xisbigiisa uu ku waayay aqlabiyadda aqalka hoose ee Congress-ka, balse wuxuu kuraas ka helay aqalka sare.

Ilaysnews/USA Desk

Ilaysnews01@Gmail.com