Amiirka Sucuudigu Maxuu Ku Sifeeyey Waryihii Amarkiisa Lagu Dilay Ee Jamaal Khaashuqji




Jiddah (Ilays-News):- Amiirka dhaxalsuga ah ee waddanka Sucuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan, ayaa waxa uu Mareykanka u sheegay in qoraaga la dilay Jamaal Khaashuqji uu u arkayay inuu ahaa Islaami halis ah, warbaahinta ayaa ku warramaysa.

Amiir Maxamed ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu arrintaasi taleefoonka ugu sheegay Aqalka Cad kaddib markii Khaashuqji la waayay taas oo ka horraysay inta uusan Sucuudigu qiran inuu ninkaasi dilay.

Sucuudi Carabiya ayaa iska fogaysay wararkaasi lagu daabacay wargeysyada Washington Post iyo New York Times.

Khaashuqji, oo ahaa muwaadin Sucuudiga u dhashay kana shaqeynayay warbaahinta Mareykanka, ayaa waxaa si weyn loogu yaqaanay inuu dhaliilo maamulayaasha dalkiisa.

Maydkiisa ayaanan weli gacan lagu hayn, hasayeeshee Turkiga, Mareykanka iyo Sucuudi Carabiya ayaa dhammaantood waxa ay isku raaceen in lagu dilay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul 2-dii bishii Oktoobar.

Sucuudi Carabiya ayaa waxa ay diidday in qoyska boqortooyada uu arrintaasi wax lug ah ku lahaa waxa ayna sheegtay inay “ka go’an tahay inay soo hesho xaqiiqda dhabta ah”.

Ilaysnews/London Desk