Afar qodob oo lagu soo afjarayo xiisaddii Bosaaso oo ay soo saareen isimada Puntland




Isimada Puntland ayaa soo saaray go’aan ay sheegeen in lagu soo afjarayo khilaafkii ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay agaasimihii hay’adda PSF.

Isimada ayaa shir u socday muddo labo toddobaad ah ka dib waxay soo saareen go’aano ka kooban 4 qodob oo ay shegeen in ay xal u yihiin khilaafkii taagnaa.

Qodobada go’aamada

1: Isimada ayaa go’aamiyay in la dhaqan galiyo go’aankii xil ka qaadistii lagu sameeyay agaasimihii PSF Janaraal Maxamuud Cusmaan Cabdulahi islamarkana xilka lagu wareejiyo agaasimaha cusub ee uu madaxweyne Deni soo magacaabay.

2: Isimada Puntland ayaa waxay sidoo kale go’aamiyeen in agaasimihii hore ee PSF la siiyo hubka iyo guryaha saldhigga u ah ciiddanka PSF.

3: Waxay dhanka kale isimada gudoomiyeen in xukuumadda Puntland ay bixiso xuquuqdii ciidamada PSF ka maqneyd muddada 13 bilood ah.

4: Isimada ayaa gudoomiyay in qarashaadka ku baxaya ilaalada gaarka ah Janaraal Maxamuud Cusmaan Cabdulahi ay dowladda Puntland bixiso.

Ma jiro ilaa iyo imika wax war ah oo ka soo baxay dhinacyadii is hayay oo ku saabsan go’aanadan ay soo saareen isimada Puntland.